Barashada meelaha uu dhoco Dayaxu

28ka God ee Dayaxu Dego      W.Q  Cabdiraxmaan Saleebaan Barre

____________________________
وقدرناه منازل حتى عاد كالعرجون القديم  
صدق الله العظيم

Dayaxu wuxuu sameeyaa wareeg uu ku soo wareegayo dhulka , wuxuu maraa tub (orbit) u gaara oo wareeggiisu dhanyahay 360-digrii , 360-kaas digrii markuu soo dhammaysto oo uu bar-billowgiisii kusoo laabto , wuxuu soo wareegay 27-cisho & 7-saacadood qiyaastii , oo noqonaysa (bil xiddigeed) ,

Habeenka koobaad ee u horraysa ee dayaxu soo baxo  ,  xiddigta uu kasoo ag baxo ama uu ku beeganyahay ,  socdaalkiisa (360ka digrii ah) markuu soo dhammaysto xiddigtii wuxuu dib ugu soo noqdaa 27.3-cisho ka bacdi , waxaana wareeggaas loo yaqaannaa (bil xiddigeed)  ma aha bisha caadiga ah ee 30-ka cisho ah ama 29-ka cisho ah , tani way ka duwantay.

Haddii la yidhi habeen kasta dayaxu wuxuu jaraa oo uu hore u dhaqaaqaa 13-digrii isagoo ka dhaqaaqaya godkii uu habeenkii ka horreeyay ku sugnaa , hadaba tubta ama jidka dayaxu uu maro ee kusoo wareegsan dhulkeennawaxaa ku hareeraysan xiddigo badan oo kooxo ah oo tubtiisa barbar socda .

Maadaama habeen walba dayaxu hore u dhaqaaqayo isagoo sii wata socdaalkiisa , wuxuu kasoo muuqdaa goob ka duwan goobtii uu kasoo muuqday habeenkii ka horreeyay , goob kastana waxaa ku beegan xiddig ama urur xiddigo ah ,

GODADKA DAYAXA ee la sheegayaana  waa goobahaas , waxaana lagu calaamadsadaa xiddigta ama ururka xiddigaha ah ee u dhaw ama uu ku beeganyahay kolba goobta ama godka uu markaa joogo  , iyadoo habeen walba uu xiddig ama urur xiddigo ah ku beeganyahay , waxa dhacda marmarka qaar inuu kusoo beegmo laba xiddigood ama laba god dhaxdooda , markaasna waxana loo yaqaannaa KARMO .

Xiddgigahaasi waxay leeyihiin oo Soomaalidu ula baxday magacyo , GODADKA DAYAXANA  waxaa loogu magacdaray xiddigahaas habeenba qaar uu la fadhiyo

moonorbit

REPORT THIS AD

Haddii uu dayaxu maalintii jaro 13-digrii soconayo oo uu habeenba GOD la fadhiyo , qorraxduna maalintii waxay socotaa 1-digrii .
Qorraxdu waxay martaa tub , tubtaas oo isla xiddigihii dayaxa tubtiisa ku hareeraysnaa ay ku hareeraysan yihiin .
Sidaa darteed qorraxdu  GOD kasta waxay la fadhidaa 13 cisho , hal god mooyaane kaasoo ay la fadhido 14-cisho waana godka Naafaha .

13-kaas cisho markay dhammaadaan , waxay qorraxdu u gudubtaa oo ay sii martaa god kale iyadoo qarinaysaa kii ay kasoo guurtay , godkasta markay 13 cisho la fadhido hal god mooyee (13×28=364+1 = 365)  waxa ka dhasha sannad
halka aan ku darnay wuxu ka yimi godka ay qorraxdu 14ka cisho la fadhido .

Godadkan qorraxdu la fadhiisanaysaana waa isla xiddigihii dayaxu la fadhiisanayay .

Soomaalidu waagii hore waqtiga ayay ku xisaabsan jireen godadkan ama xiddigahan , sidoo kale waxay ku kala garan jireen jihooyinka markay  gudcurka tahay .

Soomaalidoo kaliya uun ma ahee ummadaha oo dhan baa waqtiga ku xisaabsan jiray , jihooyinkana ku kala garan jiray xiddigahaas iyo godadkaas .
Sidoo kale wixii shar iyo khayr ah oo dhaca ama dhici doonana waxay u nisbayn jireen ama uga sii faashan jireen xiddigahaas , waa sida ay Carabtu sameyn jireen waqti jaahiligii  , dhaqan kaasna Islaamku xaaraantinimeeyay oo uu mamnuucay in xiddigaha la sharaysto ama laga faashado , wixii khayr iyo shar ahna loo nisbeeyo iyaga .

Dhaqankii miyiga ee hore carruurta yaryar baa lagu kobcin jiray barashada xiddigaha , maadaama oo ay noloshoodu ku xidhnayd waqtigaas .
Beel walbana waxay lahayd nin aqoon u leh cilmifalagga , kaasoo ku xeeldheer aqoonta xiddigiska , sifiicanna u kala bartay illaa uu gaadhay heer  cilmiga loo daba fadhiisto

Tusaale yar aan ku eegno sida Soomaalidu uga faashan jirtay godadka qaar markuu dayaxu ku beeganyahay wixii dhaca

Godka cadaad  : waxay dadka qaar aamminsanaayeen aabbaha iyo hooyada uu ilmo u dhasho godkaas markuu dayaxu la fadhiyo , in ilmahaas uu noqonayo kii u danbeeyay ee ay isu dhalayaan , oo ilmo danbeba aanay dhali doonin .

REPORT THIS AD

Godka laxo :  waxay aamminsanaayeen in ilmaha dhasha godka laxaha uu heli doono laxo badan ama adhi badan iyagoo ka faashanaya godkaas .

Godka  listan  :  godkan ilmihii dhashaa waxaa la aamminsanaa inuu  hamuun saa’ida u yeesho rabitaanka galmada , sidaa darteed  ilmaha godkaas dhasha waxa loo geyn jiray wadaad , si uu ugu xidho xirsi ka yareeya hamuuntaas  , haddii aan wadaad loo geynin oo aan xirsigaas loo soo xidhin , ilmahaasi markuu waynaado cidna masoo dhaweysan jirin , oo sharkiisa ayaa la iska fogeyn jrey .

Intaa haddaan kaga gudubno sharraxaad iyo tusaaleynba , aan  uga dhaadhacno magacyada 28 god ee dayaxu dago , iyagoo Afsoomaali ah iyo Afcarabi iyo Af-ingiriisi iyo weliba godkastaa xilliguu sannadkii ku beeganyahay , marka loo eego bilaha miilaadiga ah

F.G : magacyada qaar Soomaalida oo dhan kama midaysna oo waxa dhici karta  deegaanba magac goonniya in looga yaqaanno , qaarna way ka simanyihiin

28ka god Soomaalidu afar toddobaad bay u qaybiyaan ,  toddoba kastana waa xilli ka mida afarta xilli ee sannadkii , (gu’ – xagaa – dayr – jiilaal)
todddoba kastana waxay leeyihiin magac guud

_________

Todobada Raqaha (xilliga guga)

Godin : الشرطان Beta Arietis ( ku beegan 5 April )

Listan البطین  :  Delta Arietis ( 18 April )

Laxo الثریا   :  Pleiades  ( 1 May )

Cadaad : الدبران   :  Aldebaran  (  14 May )

Agaalli cas : الهقعة  :   Meissa   (  27 May )

Agaalli cad : الهنعة  :  Gamma Geminorum   ( 9 June )

Afaggaal :الذراع  :  Alpha Cephei ( 22 June )

Todobada Naafaha (xilliga xagaaga)

Naaf cadde : النثرة  :  Praesepe   ( 5 July )

REPORT THIS AD

Naaf madoobe : الطرفة  Lambda Leonis ( 18 July )

10 Afqoys : الجبهة  :  Gamma Leonis ( 31 July )

11 Majin الزبرة  :   Delta Leonis (14 August )

12 Koxdin : الصرفة  :   Denebola  ( 27 August )

13 Dirirday : العواء  :    Beta Virginis   ( 9 September )

14 Dirir : السماك  :   Spica   ( 22 September )

Todobada Daalallida (xilliga dayrta)

15 Garbo : الغفر  :   Syrma  ( 5 October )

16 Bayaxaw الزبانى   :   Beta Librae ( 18 October )

17 Gudban الإكلیل     :   Graffias   :  ( 31 October )

18 Libcas القلب    :    Antares    ( 13 November )

19 Mareegadheer : الشولة    :   Lambda Scorpii  ( 26 November )

20 Xoor : النعائم   :  Nahaym    ( 9 December )

21 Baho :البلدة  :  Pi Sagittarii   ( 22 December )

Todobada Cirirka (xilliga jiilaalka)

22 Faruur : سعد الذابح   :  Beta Capricorni   ( 4 January )

23 Jidgabarre : سعد بلع    :   Caadebolach  ( 17 January )

24 Jid-dhiriqle : سعد السعود  :   Beta Aquarii  ( 30 January )

25 Jidgacanle : سعد الاخبیه   :   Gamma Aquarii  ( 12 February )

26 Rab hore : فرغ الدلو المقدم   :  Almiquedam   (  25 February )

27 Rab danbe : فرغ الدلو المؤخر   :   Algarf Almuehar   ( 10 March )

28 Meecaad : بطن الحوت   :   Alrescha   (  23 March )

Comments