Tu' kaloo kadaran....Xaaji Aadan Af-qalooc

TABAALAHA ADDUUN Xaaji Aadan Af-qallooc. 1964 
Ta’da gabayga waa taan ka tegey ` tan iyo waa dheere 
Isticmaarku goortuu tegaan ` taydii gaabsadaye 
Caawa na ma tiriyeene waa ` igu tahliigeene 
Rag baa ararta tiigaaliyee ` taa na ma aqaane 
Hadba taan wadtiyo dantaan ` uga tacjiilaaye 
Tu yaroo tilmaan iyo warba ah ` an idin taabsiiyo. 
Dhibta timi Jamhuuriyad dhanoo ` tahan la boobaayo 
Iskaa wax u tacab iyo qaatirnimo ` la isku taageerye 
Qawaaniin u taal iyo nidaam ` taxan ma yeelaane 
Sidii ReerTaffarre amar ma jiro ` laysku taaboco e 

Warqad jananku teeb kuugu qoray ` saajin kugu tuurye 
Waashmaan kol ay tahay ninkii ` taabay meel dheregye. 

Taaj madaxxa awr loogu xidhay ` waa tusmo habaabe 
Tuug caasiya iyo jaahil baad ` tamar u yeelsheene 
Tanbi baad u dhiibteen nimaan ` tuna ka sheegayne 
Toorrey afbadan baw xidhdheen ` taarig xoogsadaye 

Kaba’tole maxkamad loo tirshoo ` tolommaduu jeexday 
Hadduu buugga teelteel u dhigo ` taasu yaab ma lehe 
Waxse tacaddi ku ah inuu mid kale ` uga tabaystaaye. 
Inkasta ba istiiloo waxaad ` taag u hidin weydo 
Ninkii kaaga togan uga tag baan ` tani awoodayne 
Nin ba tiginka meelshuu dhidbaday ` teedka ku adkeeye 

Uma tayso galo aadamaha ` taad u filaysaane 
Nin kasta ba wax laga tuugi jirey ` tu’ u yaqaannaaye 
Tusmuu uunku kala leeyahaye ` teennanaa simane 
Waa tacab khasaar xajaadaad ` gacantoglaysaaye 
Dadka kale ninkiisii waxtara ` waa tixgeliyaaye 
Idinka na caqliga taabidka ah ` waad ku tumadtaane 
Tartar baad ka dhaaftaan ninkii ` toos idiin wada e 

Taagko iyo mayl kala fog baad ` mid u taqaanniine 
Wax badan oo aqoon lagu tuhmuu ` tuuray Shilinkiiye. 
Tagkartiisa ma arkoo arbuhu ` taada yuu yidhiye 
Nin waliba kursi aad taabtuu ` taag isleeyahaye Toogada dhulkeenniyo dhigaha ` tacabka doonaaya Ninna kuma tallamo ee qasdigu ` waa tolla’ayeeye Tallaabada mid hore kaaga maray ` tarantarsiintiisa Adna toogadaaday u tahay ` hadimo kuu taalle Tartankiyo isgarabyaaccu waa ` tu’ aan bannaanayne Taagkulo gacmaha lays qabtaa ` lagu tanaadaaye Haddaan laysku wada tiirsanayn ` tawsi waa imane Wax badan baa habsaan tegey ` intaynnu isku taagnayne. Adoo tays la qiimo ah haddaad ` tuhunto ruuxxaaga Tusmadii laguu dhigay markaad ` taabi kari weydo Halkaan faruhu kuu taabanayn ` tiigso hays odhane Tabartii raggii hore anoo ` tuhun saluugaaya Tar danboo haddeer noo kacaan ` toodi kaafiyine Tacab ba’aye nimankii danbaan ` tuna kafaynayne Waa tabo nabsigu leeyihiyo ` tuu ahaan jiraye Ninkastaba wakhtigu wuxuu ku tolay ` tu’ aanu doonayne Wixxii taqaddimkii hore lahaa ` ta’akhur weeyaane Dar kaloo tallaabo cusub laa ` tegey halkoodiiye. Timirtii Basriyo wax isbeddeley ` midhihi Toomeede Tartankii dameerkii fardaha ` tahan ka dheereeye Taltallaabsey daayeer markii ` taygarkii lumaye Meelshii waraabuhu ka tegey ` tarandac doofaare Tugkii haadka’adag buu noqdoo ` tuur laftuu sidaye Wuxuu orgigu tiigsanahayaa ` awr tabaadiya e Rah na wuxuu tigaadda ugu tegey ` tuurcaddow dibiye Gunburigii tigaad cunay maroodi ` buu u toocsadaye Tuur libaax curri buu uga hadhay ` taahha oo ciya e Wuxuu diin haldhaagii ugu tegey ` taaggii Xodayoode Goortuu galoolkii tifmay ` buu tawlay calaygiiye Halkii damalkii laguu tuugi jirey ` timi dhaloolshiiye Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal an sheego Tallaabada mid gaalkii shabbaha ` tegey ma liibaane Adigoo wuxuu tabanayoo ` tegey halkuu joogo Kolkuu sida libaax raqi u taal ` qoorta kor u taago Oo uu tayga luquntiisa sudhan ` taabto faraqqiisa Oo inaad addoonkiisa tahay ` taana la ahaadtay Oo aan dadka na taagkulayn ` calanna taageerin Oo inuu adduunyo tabcado ` taa qudha u jeedo Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal aan sheego. Haddaan saraccu taam noqon ummadi ` ta’akhur weeyaane Wax ba kuuma taro raashin aad ` debed ka tuugtaaye Turaabta iyo ciidda ba kuwii ` tamarta loo siiyey Iyagoon waxtarin bay dadkii ` tahan luggooyeene Ninkaan qaadka tuurta ugu sidin ` uma tiraabaane Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal an sheego. Laba boqol nin maaliyaddu tahay ` tirada loo dhiibo Oo toban baloodh jeexday oo ` tumanayoo keyfa Oo biilka gini tuurayoo ` tolaya nayloonka Oo aan tacab baadiye lahayn ` tuludi waa maadh Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal an sheego. Danta togan batroolkeenna waa ` laga tashiilaaye Toddoba mayl nin joogoo bugkoo ` talalayoo liidta Oo inuu xukaamta u tagiyo ` taagkulo u baahan Oo aan iscaaf loogu tegin ` la na tagaabaynin Hadda na tamashle iyo xaafadaha ` lagu tegaayaaye Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal an sheego. Denbi lagu ma taagoo nimay ` tiisu kaafido e Tamartiisu nimay gaabadtay ` tukhuntukheeyaane Marka aad maxkamadaha tagtaad ` tacajebeysaaye Tammiinkeeda xaajada ninkii ` taabi kariwaaya Inkastuu xaq taabuda wadtiyo ` marag cad oo taagan Ama uu xujada toosiyoo ` looyarku is tiilo Gartu doodda kuma taagantee ` taagtu waa lacage Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal an sheego. Tumbul raasa’maal lihiyo istaaf ` way isugu taalle Iyagaysku tiirsan oo cid kale ` uma tawaabaane Ninkaan tooda waafiqin xabsay ` ugu tabaystaane Teello uma dhigtaan dawladdiyo ` kii ka taagdarane Ta’khiirteenna maaliyadda iyo ` tawsta bixi weydey Waa labada qolo ee la tegey ` waxaydin tawdaane Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal an sheego. Mid tacliinta loo soo diroo ` tadhaq ah oo liidta Oo tuhun ku jiro inuu ka baxay ` towbaddiyo diinta Oo aqalka tilmaaman iyo khamriga ` gacan togaaleeya Oo uu talmiidkii yaraa ` taa ka baranaayo Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal an sheego. Jaamacad nin tegey oo digrii ` tuu la yimi haysta Oo inuu dalkii wax tariyo ` tacabbo doonaaya Oo taana loo baahanyahay ` toogta sida joogta Oo jaahil tigin adag dhidbaday ` taqaddinkuu diiday Oo reerki tegi waayey oo ` camal la’aan taagan Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal an sheego. Taangiga biyaha loo dhisiyo ` riigga lagu taagey Oo shicibka oo oon la tuban ` toonta lagu beero Iyo waxa tigaad nooga baxa ` toonka agihiisa Tu’na uma oggola madaxdu nimaan ` taab ku hayn shuqule Tuugo iyo iibuu ninkii ` tegey ku daaqaaye Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal an sheego. Ninkii tahan adduun soo rogiyo ` kii ka tirinaayey Oo toban ku oo kiish habeen ` tuhun la’aan qaaday Oo laysu tebiyaan cashuur ` buuggi lagu taaban Oo aan dhaqaalaha tixgelin ` waajibka na tuuray Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal an sheego. Taaloogga naagaha jartee ` timaha qaar xiiray Oo sida waraabaha tartama ` tawnka cararaaya Oo taranta Soomaaliyeed ` teedka kala gooyey Oo aan dhaqaale u tudhayn ` ubad na tuugaynin Oo tobanjirkii kori lahaa ` fadhay tagoogtiisa Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal an sheego. Kuwa talada maamulahayoo ` taa nahyiyi waayey Oo aan mujtamaccii tusmayn ` tii uu ku hagaago Oo tooda keliyuun wadtoo ` tarandacoo seexday Oo waxxa Islaannimadu tahay` taababka u gooyey Iyana waa tabaalaha waqtiga ` taynnu aragnaaye Tu’ kaloo ka daran baa jirtee ` taana bal an sheego. Haddaad adigu tuur leedihiyo ` toodtir iyo qaallo Mid kaleedto inaad toosisaa ` waa tu’ aan dhicine Wax khiyaanadda looga tegeyn ` tacabbadii boobay Nin ba qoon ku taalluu ka baqay ` inay ka taabtaane Haddaan tiriyo waxxa aynnu nahay ` waan tawahayaaye Taariikhda weli soo ma marin ` teenan oo kale e Tiihhii Israa’iil helay ` tani sallawdaaye Anoon boogta wada taaban oo ` idin tusaaleeyey Oo aan Tanbiih iyo islaax ` taana uga jeedo Waa taar aan boosta ugu ridee ` Soobbe haw tago e. Waxaan ka qoray buugga Hilimmada Maansada Soomaalida, Aw Jaamac Cumar Ciise, Jabbuuti, 2005

Comments