Danabka

Sarbadda Danabku : waa dhuun si dabiici ah u samaysantay oo hoosta ka madhan oo ka samaysmatay ciid iyo carro Danabku dhalaaliyey

Sarabadda Danabku waxay samaysantaa marka Danabku uu ku dhaco Dhulka oo uu gubo , dhalaaliyona Carrada xubuubteeda macdaneed ee kala duwan isagoo dhalo / quraarad ka dhigaya waan markuu uu gaadho heerkulka ugu sarreeya oo ah 30,000 Kelvin

 

Taasi waxay ahayd sharraxaad cilmiyaysan , bal aan faahfaahinno si loo wada fahmo

Danabku markuu dhulka isagoo aad u kulul kusoo dhaco ee uu carradii kala furfurnayd dhalaaliyo intay carradaas oo macdano kala duduwan ka koobnayd shiilmato, oo ay isku dhagto , ayaa qaabkaas dhuunta ah ama usha ama u eg ee Soomaalidu ugu magaca dartay Sabarrada ay noqotaa .

Sabrradaasi muddo aad u yar gudaheed ayay ku samaysmataa waxay yeelataa qaabab kala duduwan, mid toosan, mid sida xididda geedka faracyo leh , mid soo qoollaabta , midabbo iyo dhererro kala duwan ayay yeelataa , caddaan , casuus , madow , qaar baa dhudhun le’eg qaarbaa 2 mitir iyo ka abdan ah .
Sarabaddaa Danabkuna waa macdan qaali ah oo la kala iibsado

 

Soomaalidu maxay ka aaminsantahay ??

Waxay aaminsanyihiin dadka Soomaalida ahi sarabad adag oo bir ah inay cirka kasoo dhacdo, oo danabku wato , taasoo dhulka intay awood weyn ku gasho sii socta muddo 40 sannadooda , 40kaas sannadood markay dhulka hoos ugu sii socoto , haddana 40 sano oo dambe kor u soo socota , ka bacdina dhulka kasoo baxda oo dushiisa lagu arko, iyadoo macdan qaaliya noqotay . Dadka qaarna waxay dhahaan 40 cisho ayay sii socotaa , 40 cishana way soo noqotaa .

Waxba kama jiraan oo Danabku bir ma aha, birna ma wato .
40 sanana ma sii socoto 40 kalena masoo socoto , waa iska khiyaali iyo mala awaal

Sawiraanta sarabadda danabku waa kuwan hoose

AB

21369178_1454822604585946_1516583137580133011_n


                       

Comments