Barashada Geela

Jacaylka ay Soomaalidu u qabto geela awgiis ayaa waxa jira magacyo aad u badan oo oo ku tacaluqa geela , oo si gaara ayay u daneeyaan

Magacyadaas qayb yaroo ka mida baan halkan idiin kusoo uruuriyey aqristeyaal anigoo dhawr cinwaan u kala yeelay.

Aqris wacan
……

Waxyaabaha Geelu Uu Sameeyo

Qaylada iyo cabaadka geelu sameeyo marka la xanuunjiyo ama rar culus lagu rarayo : CABAAD.
Cida geela kolkuu ubadkiisa waayo : OLOL .
Awrka qoodha ah markuu bilaabayo doobbo soo ridka : GULGULODILLAACSI.
Xunbada uu afka kasoo saaro awrka qooqani : ABUR.
Awrka qooqan markuu doobbada soo rido : DOOBBIN GULGULO.
Awrka markay doobbadu kasoo dhici waydo : GORAY GULAAL DOOBBOGORAY.
hinaasaha awrka qooqan gala oo uu kaga celinayo rati kale inuu geeliisa soo dahxgalo : SHEEN.
Orodka uu sameeyo awrka qooqan markuu dagaallamayo : QALDHOW.
Labada rati ee is dilaya markay luqumaha is dhaafsadaan si ay isu qaniinaan : DARO.
Qaniinyada ay isgaadhsiiyaan labada rati ee is dilay : DHAABALO.
Isutagga geela : ABAAH.
Ratigu markuu qooqbaxo : DA’FUR.
Si xoogle oo uu geelu ordo : BAABBACO DURDURO.
Orodka geelu uu afarta addinba mar qaadayo : DHABAABACO.
Qaabkuu u socdo neef geeloo seetaysan : SILIQLE.

___________________

Xadhkaha iyo Rarada Geela

Xadhigga rarka lagu adkeeyo ee isaga gudba labada dhinac : CAYN.
Xadhigga geela lagaga xidho surka iyo madaxa ee lagu kaxeeyo : HOGGAAN.
Suunka awrta marka la raro laabta lagagasoo xidho si rarka loogu xejiyo : BAYD.
Suunka awrka dabada loosoo geliyo si aanuu rarka saarani horey horey ugu dhicin : DABAGGELIS.
Maydhax ama xadhig naasaha lagaga xidho geela si aan ilmuhu u jaqin : MARAQ MAR.
Xadhigga dheeree dabaggaliskiisa wata ee rarka loo isticmaalo : YEEL.
Gogosha awrka la saaro marka la rarayo si ay uga celiso waxyeellada rarka : KARBAASH KEBED ABJAD HEERYO QOBTOL AMBAAL REERYO
Karbaashka ayaa loo horreysiiyaa , magacyadani dhamaantood hal shay ma tilmaamayaan .
Labada udub ee sida isku tallaabta ah (X) loo saaro awrka marka la dhaaminayo : KABAALLO.
Meel raaxo leh oo awrka raran dushiisa laga sameeyo , oo caruurta loogu talo galay : GURO.
Gurada hadhka loo yeelayna waxa la dhahaa : HOOSAAMIN

____________

Amarrada iyo Xeeladaha Geela Loo Adeegsado Geela

ARUN ARUMID TU’IN ; SU’IN : neefka geela ee taagan marka la fadhiisinayo.
DOOH : erey lagu dhawaaqo marka neefka geela ah oo socda la joojinayo.
QARQARSI : jeeniga iyo luqunta awrka oo xadhig la isugu xidho si aanuu awrku u kicin marka la rarayo.
SEETO DABAR : geela oo labada addin ee hore laga xidho si aanuu u fogaan.
SHAKAAL : hab geela loo xidho oo lug iyo jeeni isku dhinca ah la isugu xidho si aanuu u baxsan.
HAANEED : dhanka bidix oo laga istaago marka geela la lisayo.
SIDIG : ogolaysiinta hasha la ogolysiiyo ilmo aanay dhalin.
IBAGUJO : salaaxidda naasaha hasha irmaan si ay u godlato
MAQAARSAAR : hasha ilmaheedii ka dhintay oo ilma aanay dhalin la saaro maqaarka ilmihihii ka dhintay si ay u gudlato

________________

Magacyada iyo Noocyada Geela

Neef geela : TULUD.
Geela kiisa lab : AWR RATI HARTI.
Geela kiisa dheddig : HAL.
Ilmaha geela ee dhiciska ah : AFKUXUUBLE ; CABAAD-DHEERE ; MAAQURRE ; DULKUMALABLE QOORJABANE
waa kala heerar oo qaarbaa dhasha iyagoo mayd ah (QOORJABANE) , qaar baa dhasha iyagoo aan kici Karin , oo kuwaas waa la cunaa , qaarna waxay dhashaan waqtigoodii inyar ka hor wayna kacaan sida (DULKUMALABLE).
Geela dhashiisa ilaa labajir uu gaadhayo oo uu caanaha ka go’ayo : NIRIG lab&dheddigba , NIRGO.
Geela dhashiisa lab ilaa labajir : QURBAC NIRIG ; AWR.
Geela kiisa yaree caanaha ka go’ay balsr aan curasho ama rarasho gaadhin : QAAN ; QAALIN AARAN.
Qaalinta aan weli curan oo gaadhay da’dii ay ku dhali lahayd : ABEER ; BAATIR.
Geela kiisa da’da yar : LUQMALIIGLE.
Hasha da’ kasta qurbac dhasha : AWRDHAL.
Hasha caanaha badan : MADI DALAWI.
Hasha caanaha yar : MAGAAN BAAQIMO.
Hasha gudhan : GAANE.
Geela dhaadheer : EERAAN.
Geela caanaha badan : HOOR.
Awrka aan la dhufaanin ama aan la raran ee geela loogu daro uun inuu rimiyo: BAARQAB.
Awrka la dhufaanay ee cayilan : GOOL ; KORON.
Ratiga aan weli rarka baran : BUUB ; CAYMAD LAYLI.
Awrta biyaha lagu doonto : DHAAN.
Awrta isku xidhiidhsan : QAAFILO ASTAAJIR ; SAFAR ; ISKU XIDHIIDH ; GARAWAAN.
Boqolka neef ee geela ee meel wada jooga : KADIN FOOF ; FADHI


__________

Xubnaha Geela
…………

Tuurta geela : KURUS.
Dhogorta kuruska geela dushiisa ka baxda : BAAR.
Garbaha geela , inta u dhaxeysa kuruska iyo luqunta : GARBO.
Qaybta kuruska ka danbeysa , miskaha korkooda : MARAQSAAR.
Qoorta geela inteeda hoose : GUUXWAYN.
Laabta geela : SHAF.
Inta u dhaxeysa shafka iyo candhada geela : MUD.
Kiishka yar ee uu afka kasoo rido awrku kolkuu qooqanyahay : DOOB GULGULO.
Cagta geela : GOMOD CAGAF.
Lugta geela qaybteeda sare meesha lowga u eg ee maqaarka adag : GOROFLEGED.

________________

Weelka Geela Lagu Maalo
……..

Weelka geela lagu liso (maalo , duugo) : HADHUUBGAAL GAAWE TOOBKE TOOBE ; DOOBI BIRE
isku wadanooc maa aha oo qaar baa la tolaa , qaar baa la qoraa , way kala wayn yihiin.


….

W.Q  Abdirahman S. Barre

Comments