Dib U Dhalashada Baqayaha Maxaa Ka Run Ah

Dib U Dhalashada Baqayaha Maxaa Ka Run Ah

Waxaa aad u faafay warbixin cajiib ah oo sheegaysa shimbirka loo yaqaan (EAGLE) inuu marka uu gaadho da’da 30 sano ay soo haleesho tabardarro dhan kasta ah , inuu ciddiyihiisii beelo oo ay waxba u qaban kari waayaan , in uu gafuurkiisu gaammuro oo qalloocsamo , baalashiisuna ay cuslaadaan oo uu duuli kari waayo .

Markaa xaalladdaasi ay soo wajahdo baqayaha , wuxuu ku dhuuntaa buur dheer figteeda sare meel uu buul ka samaystay , halkaas ayuu muddo 5 bilood ah isku dayaa inuu dib isu cusboonaysiiyo , isagoo gafuurkiisa ku garaacaya dhagaxa , ciddiyihiisii iyo baalashiisiina iska siibaya .

Sheekadan cajiibki waxay odhanaya shimbirkaasi markuu intaa sameeyo , gafuurkii uu iska jabiyay beddelkiisa waxa u soo baxaya gafuur cusub oo xoog leh , ciddiyihii gaammuray ee uu iska siibayna beddelkooda waxa u soo baxaya ciddiyo af badan , baalashii cuslaaday ee uu ka duuli kari waayay markuu iska dhilayna beddelkoodii waxa u soo baxaya baalal cusub oo aad u fudud .

Marka ay u soo cusboonaadaa saddexdii wax ee ugu muhiimsanaa noloshiisa oo ah gafuur , ciddiyo iyo baalal wuxuu noqdaa sidii wax haddadaas uun dhashay , wuxuuna sii noolaadaa illaa 30 ama 40 sano oo kale , markast oo uu dhammaysto 30 sanana wuxuu sameeyaa sidii hore si le’eg , markaasna weligii dhiman maayo illaa uu isagu isdhiibo mooyee .

MAXAA KA RUN AH ?

Qaab nololeedka shimbirka baqayaha (eagle) ama guud ahaanba haadda (raptors) iyo warbixinta noocan ahi aad iyo aad bay u kala fogyihiin . Shimbirka baqayaha cimrigiisu waa qiyaastii 30 , marka uu da’daa gaadhana uma dhinto ciddiyo iyo gafuur uu beelay , ee waqtigiisii dabiiciga ahaa baa ka idlaaday weeye . Haaddu haddii ay ciddiyaha iyo gafuurka beesho waa run oo macaluul bay u bakhtiyi , hase ahaatee inuu dhaawac soo gaadhay ciddiyaha ama gafuurka mooyee , si dabiici ah uma beelo midkoodna . Baalashana iskama rifto haaddu noocay doontaba ha ahaatee , inay iskeed u beesho cudur ku dhacay awgii mooyee .

GUNAANAD

Shimbirka baqayaha , gorgorka , haadda kale iyo noolayaasha kale oo dhan midna suurta gal uma aha inuu kordhisto cimrigiisa , warbixintan sheegaysa in shimbirkaasi cimrigiisa dheerayn karana waa KHURAAFAAD aan loo meel dayin , waxaanse ka xumahay in si weyn loo aaminay khuraafaadkaas , wargeysyo , websaytyo , tiifiiyo iyo dad aan been looga baran ayaa warbixintaas BEENTA ah ka qaybqaatay faafinteeda . Xaqiiqda inaad ogaataa ma adka inaad faafisaana ma adka .

Comments