Barashada Magacyada Fardaha

Gammaan waa magaca guud ee la isku yidhaahdo (fardaha,dameeraha,baqlaha,farowga )

 

Mawduucan waxaan kaga hadlayaa
noocyada fardaha xagga midabbada iyo magacyadooda .

fardaha  aad bay Soomaalidu u jeclayd waagii hore , waayo waxay ahaayeen xoolaha ugu qaalisan , iyo gaadiidka koobaad .
Aaggaa nugaal ayaana ahayd  meesha ugu fardaha badan dhulka Soomaliyeed , halkaas oo loosoo doonan jiray fardaha noocyadooda kala duwan .
Fardahihii ku noolaa geyiga Soomaaliyeed waxay ahaayeen 7 nooc oo lagu saleeyay midabbadooda .

 

Midabbada Fardaha

  1. ASHKIR : waa Farsaka cas oo aan midab kale ku dhexjirin , timihiisuna cas yihiin
  2. XAMAR : waa faraska cas balse ay timihiisu madow yihiin waana laba nooc (mid bunni xiga iyo mid casaan xiga)
  3. BULLAALE : waa faraska cad laakiin caddaankiisa uu ku jiro dambari , timihiisa iyo minjihiisuna madow yihiin
  4. QAAJE : waa faras caddaan khaalisa ah oo aan midabbo kale ku dhexjirin
  5. CAYNAB : waa faras madow dhuxuli ah oo aanuu midabkale ku dhexjirin
  6. BOOD : waa faraska cad oo caddaankiisu cawlaan xigo
  7. BAROOR : waa faras aan hal midab lahayn ee midabbo badanoo isku jira leh (afar midable)

Noocyada Fardaha

Fardaha kooda Lab waa : FARAS ama SENGE
Dheddigana : GEENYO
Ubadkana : DARMAAN lab & dheddigba
Dhasha fardaha aan ababin : BOGCAD
Faraska la dhufaanay : SENGE
Faraska aadka u dheereeya : BAXDOW 

Faraska orodka yar : MAGAAN 

______________________

Cida fardaha waxaa la dhahaa : DANAN
Boqolka faras  waxaa laysku dhahaa : WEGEN

_______________________

 

Orodka Fardaha

Orodka aan dheeraynGAALIB
Orodka afarta addin ah : KADLE
Markay durdurinayaan waxaa la dhahaa : QAATIMEYN
Markay iska taxtaxaashayaan waxaa la dhahaa : NUUXEYN
Orodka fardaha xilliga barwaaqada : GARMAAME
Orodka ugu gaaban ee farduhu sameeyaan : KOOSE
Bootinta dheer ee fardaha : WANKALAALI
Waxa kaloo orodka fardaha kamid ah : HARDAF JEEFAG

Sawirkan hoosena wuxuu kuu muujinayaa midabyada fardaha

wp-1485111480073

W.D C.raxmaan S. Barre

Comments