Magacyada Duur-Joogta

Duurjoogta (Magacyo)

Duurjoogtu waa xayawaannada duurka yacnii kaynta ku nool oo aan la dhaqan .

Duurjoogtu waxay u qaybsantaa laba qaybood
1.UGAADH : waa kuwa la ugaadhsado oo cawska iyo biyaha kunool

2.DUGAAG : waa kuwa hilibcunka ah oo ugaadha ku nool .
Duurjoogtu way badanyihiin waana kala noocyo , halkanna kumasoo wada koobi karo e inta ugu caansan baan wixii ii suuragala ka sheegayaa .
Ugaadha haddaynu ku horreyno waxay u qaybsantaa laba nooc
1.ISHIN ugaadha waawayn sida goodirka , biciidka iwm
2.YARIS ugaadha yaryar sida deerada , sakaarada iwm

MAROODI : ELEPHANT
Lab : arbe ; qoraaje ; araye
Dheddig : goso ; qalanjo
Dhal : boojay ; uunfannays

Foolkiisa : faan / foolmaroodi
___________
GERI GIRAFFE
Dheddig : guraanti
Dhal : booshool
_____________
GOODIR : GREATER KUDU & LESSER KUDU

Goodirku waa laba nooc mid waawayn iyo mid yaryar

GOODIRKA WAAWEYN GREATER KUDU
Lab : qoriyaale ; sanqatab
Dheddig : adeeryo
………….

GOODIRKA YARYAR : LESSER KUDU
Lab : goodir caarre , darcad
Dheddig : adeeryo caarrey
________________
GARANUUG : GERENUK
Lab : liig
Dheddig : tiingaa
Garanuugta dheddiga ee yar : calaydh
Dhal : maaqul
_________
CAWL : SOEMMERRING’S GAZELLE
Lab : cawl ; jaxeedh
labka da’weyn : isasudh
Dheddig : cawl ; masaal
___________
DEERO / EELO SPEKE’s GAZELLE
Lab : deer
Deerka yar waa : gaban
Dehddig : deero
________
BICIID : ORYX
Lab : saryan , gaashaanle
Dheddig : biciid
Dhal : booldhe ; bulu
____________
SAKAARO : DIK-DIK

Sakaaradu waa afar nooc oo guud ahaan magaca sakaaro ayaa  kadhaxeeya

Waxa kamida

1.GUUYO : SALT’S DIK-DIK

2.QUSLEY : GÜNTHER’S DIK-DIK

3.GOLCAS : SILVER DIK-DIK

Lab : atoor
Dheddig : yac
Dhal : jiis , biiq , jillin sakaaro
______________
GOROYO : OSTRICH
Lab : goray ; haldhaa
Dheddig : goroyo cawal ; booso
Dhal : camarre ; warriile
Koox  : gawar
Meesha ay beedkeeda dhigto : gaaf
_______________
GAMMAAN : EQUUS
Waa magac guud oo laysku yidhaah dhawr noocoo kala ah : fardaha , dameeraha , farowga iyo baqasha iwm

GUMBURI : SOMALI WILD ASS

FAROW : GRÉVY’S ZEBRA

FARAS   HORSE

Lab :  faras
Dheddig  :  geenyo
Dhal  : darmaan
Faraska la dhufaanay : sange
____________
WIYILRHINOCEROS

Dheddig : gosol
____________

Immikana waxaynu u dhaadhacaynaa qaybtii dugaagga
LIBAAX  :  LION
Lab  :  aar  ; gucumaale
Dheddig   :  gool ; adan ; barambarqo
Dhal :  cagabaruur
Koox   :  adan
_________


WARAABE / DHURWAA : HYENA
Waraabe waa magaca guud oo ka dhaxeeya afar nooc , afartaa jaad ee waraabuhu u kala baxo saddex ka mida ayaa dhulka Soomaaliyeed ku nool , saddexdaasina waxay kala yihiin

1.WARAABE / DHURWAA :  SPOTTED HYENA

2.DHIDAR / WEER  :  STRIPED HYENA 

3.SHAMBEEL / WEER DACAW   AARDWOLF

Dheddiga waraabaha : candhadheer
___________
SHABEEL  :  LEOPARD
Lab  :  arbe ;  ogobbe

____________

YEY / UUBATO / UULEY :  AFRICAN WILD DOG
Lab : halyey
Dheddig :  yeey

_______________________
DACAWO:  FOX
Lab : dacaw
Dheddig : dawaco ; huryo

______________

W.Q  Abdirahman S. Barr

Comments