Dib-qallooc

DIBQALLOOCA
Dibqalloocu waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda bilaa lafdhabarleyda ah (Arthropod), gaar ahaan bahweynta xayawaannada yaryar ee leh laba gees ee isku soojeeda (Arachnid), kuwaas oo ay kamid yihiin Caarada, shilinta iyo aboorka, waxay wadaagaan sifooyin ay kamid tahay inay dhammaantood leeyihiin sideed lugood. Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Scorpiones). Waxa uu badanaa kunool yahay deegaanada Caws leyda ah, Saxarraha iyo deegaanada ay cimiladoodu diirran tahay, sidoo kale dibqallooca adduunka kunool waxaa lagu qiyaasaa 2,000 kun oo nooc, kuwaas oo laga helo qaaradaha adduunka oo dhan marka laga reebo Atlaantiga. 

Luuqada ingiriisida waxaa looyiqaannaa (Scorpion), Carabidana (عَقْرَب). Afka Soomaaligana Dibqallooc ama Dabaqallooc iyo Hangarlle. Cimrigiisu waxa uu gaadhaa 2-6 sano inkastoo ay ku xidhan tahay jaadka uu yahay, dhererkiisuna 9 milimitir - 21sen timitir, halka uu culayskiisuna gaadho 0.5 - 5 garaam. Dibqalloocu waxa uu leeyahay 24 hiddo-side, Sidoo kale dibqalloocu ma dhalo beed balse waxa uu dhalaa ceydi yar oo muddo ay ta dheddig ku xanaanayso dhabarkeeda dibada 10 ilaa 20 cisho, markii keli ah waxa ay dhashaa ku dhawaad 100 xabbo. Hab meerto nololeedka dibqalloocu waxa uu maraa marxalado kala duwan oo kala ah: Ugax, Caydi iyo qaangaadhnimo. Jidhka dibqallooca waxaa looqaybiyaa laba qaybood oo kala ah qaar hore iyo qaar danbe.

Dibqalloocu waxa uu dareeraha ku jira ka nuugaa xayawaannada uu quuto, gaar ahaan cayayaanka ama noolayaasha kale, gaar ahaan habeenkii oo badanaa masoo baxo dibqalloocu maalintii. Qaniinyada dibqallooca waxa ay dhibaato gaadhsiisaa habka dareen wadka ee dadka, inkastoo badanaa dibqallooca badankiisu aanu ahayn ka sunta badan ama halista ah leh, waxaa lagu kala gartaa midka halista ah iyo ka kale, waxa uu ka halista ahi leeyahay dib danbe oo dhumuc leh waana madaw badanaa, balse ka dibka dhuuban lihi malaha sun badan. dibqalloocyada aadka u sunta badan ee sababi kara in ay dadku dhintaan waxaa badanaa laga helaa Qaaradaha Aasiya, waqooyiga afrika, baraasiil iyo dalka magsiko.

Dadka qaar ayaa aaminsan in dibqalloocu ka yimi xaar walwaal, balse arrinkaasi waa mid khuraafaad ah, xaar walwaalka ama doorshaanku waxa uu ka tirsan yahay bahweynta cayayaanka bilaa lafdhabarleyda ah. Sida aynu wakhtiyadan danbe saxaafadaha adduunka ku aragnay sunta ku jirta aallaha danbe ee dibqallooca qaarkii waa laga ganacsadaa iyadoo shirkadaha dawooyinka sameeyaa ay ka  farsameeyaan dawooyin qaali ah, dalalka dibqallooca suntiisa dhoofiya ee lagu dhaqdo waxaa kamid ah: Bakistaan, Masar, Hindiya iyo Iiraan, halkii garaam ee sunta ku jirta aallaha danbe ee dibqalloocu adduunka waxa uu ka joogaa 7,000 ilaa 8,000 oo doollar. Ugu danbayntii waxaa  laga soo weriyay inuu nebiga SCW qaniinay dibqalloocu isagoo salaad ku jira, waxaan uu nebigu sheegay inuu yahay xayawaan nacdallan oo uu Alle naxariistiisa ka fogeeyay, sidoo kale waxa uu amray in lagu dilo meel kasta, dhulka xurmaysan haddii la joogo iyo haddii kalaba.

Waxaa qoray Dr.ibraahin dhuxul.

Dribraahimm@gmail.com
Mayeedhaan Magazine.




 

Comments